Hordhac​

Degelkani waxa uu noqon doonaa mid aynu ku wadaagno qormooyin joogto ah oo ku saabsan hoggaaminta, oo aynu uga gol leenahay kor u qaadida fahamka muhiimadda hoggaaminta ee bulshada soomaaliyeed iyo kuwa afka soomaaliga ku hadlaba. Hoggaamintu waa waxa kala horraysiiya ummadaha, ganacsiyada, urrurada, qoysaska iyo dadkaba qof qof ahaan.

Qaybaha Haggaamintii Soomaalida

Waxa aynu qormadan kaga warami doonnaa inta qaybood ee ay soomaalidii hore u qaybin jirtay hoggaaminta. Qaybahan waxa ila wadaagay Sheekheenna wayn ee Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Alle ha barakeyo e, maalin aannu arrimaha hoggaaminta ka sheekaysannay. Waxa uu igu yidhi "Soomaalidu hoggaaminta 5 ayay u qaybin jirtay: udub xujo, nin rag ah, nin rag ah kalkaal, rife iyo rife kalkaal"

Udub Xujo

Udub xujo waxa uu ahaa nin samo talis ah oo danta guud ka shaqeeya laguna yaqaanno dun iyo dadnimo fiican oo wax aan wada noolaansho, iskaashi iyo xasilooni ka talin ahayn lagu aqoon. Ninkaasi inta badan waxa uu ahaa mid haddii uu doono aan xil hayn haddana aan bulshadaa uu ka tirsanyahay arrimaheeda iyo aayo ka talinteeda looga maarmin. Waxa uu ahaa nin la'aantii aan talo la goosanin oo indheer garadnimadiisa iyo samo talisnimadiisa la dugsado. Waxa uu ahaa qof marka bulshadiisa cidi wax ka tirsanayso ciddaasi codsato in u goob joog ahaado maadaamo oo ay filayaan in aanu ka eexan doonin una eexan doonin. Tilmaantaa udub xujo waxa ay ahayd heerka ugu sarreeyo hoggaamintii soomaalida haddii madaxyahay iyo haddii uu la taliye yahayba, maantana aan filayo in ay tahay waxa la waayay ee keeenay in dadkii soomaalida ahaa noqdaan danayste miidhan oo aan dal iyo dad toona u naxayn ee iibinaya haddii uu lacag ku helo.

Nin Rag ah

Qaybta labaad ee hoggaaminta ee magacaa sare leh qofka ku tilmaamani waxa uu ahaa caawiyaha iyo taageeraha udub dhexeedka u ah fulitaanka iyo aqbalaadda fikradaha iyo aaraada uu soo jeediyo udub xujo. Waxa uu ahaa caawiyaha, taageeraha iyo ma daalaha wax garadka iyo odayaasha bulshada u sharaxa ee fahamsiiya ujeedada aaraada udub xujo, si loo aqbalo loogana fekero sidii loo fulin lahaa si ay u midho dhalaan loona manaafacaadsado mudada dheer. Waxa aynu odhan karnaa waa kaalinta maanta uu wasiirku ka ciyaaro siyaasadda dawladeed ee uu jeexo

Nin Rag ah Kalkaal

Kanina waxa uu ahaa hoggaaminta soomalida heerka fulinta iyo hawl socodsiinta waxaana uu ka hoos shaqayn jiray nin rag ah, isaga oo ka caawin jiray abaabulka iyo isku dubba ridka hawlaha maalinlaha ah ee u kooxaha iyo qof qof ahaan loo qabanayo si loo gaadho ficilna loogu badalo aragtidii udub xujo uu soo jeediyay nin rag ahina udub dhexaadka u ahaa.​ ​ Saddexdaa heer hoggaamineed waxa ay inna tusayaan in aanay hoggamintu ahayn wax qof kali ahi qabto ee ay tahay arrin u baahan heerar hoggaamineed oo kala hooseeyo isna kaabaya. Hoggaaminta waxa ay ka soo bilaabantaa aragti waxaana ay ku dhammaantaa fulin qiimanayn joogto ah leh, qiimayntaas oo ay ka dhalato sixid wixii khaldamay iyo sii qurxin wixii sidii la rabay u fulay. Sida oo kale saddexdaa qaybood ee hore waxa ay ahaayeen saddexda u shaqeeya dhanka fiican iyo horumarka halka labada nooc ee danbe oo aynu qormadeenna labaad ku soo qaadan doonnaa ahaayeen hoggaaminta dhanka danaysiga iyo xumaan ka talinta

Inta aynu qormada labaad ee qaybaha hoggaamintii soomaalida ku kulmi doonno waxa aan idin leeyahay akhris wanaagsan idinka oo cafaimaad qaba. Wixii talo, tusaale, soo jeedin iyo sixid ahiba waa xaggiinna aadna waad u mahadsantihiin.

Post a comment

Your email address will not be published.

Related Posts